Dowlada Ugandha oo iska fogeysay codeyntii Garsoore Sebutinde ee Maxkamad ICJ

Published: January 27, 2024
Shares52

Dowlada Ugandha ayaa iska fogeysay go’aankii ay qaadatay Garsoore Sebutinde oo dalkaasi kasoo jeeda kana tirsan Maxkamada Adduunka ICJ oo kamid ahayd labadii Garsoore ee diiday dacwada Koonfur Afrika ka gudbisay Israel.

Dhamaan 15ka Garsoore ee Maxkamada Adduunka ayaa taageeray amarada la dul dhigay Xukuumada Israel iyo si rasmi ah loo furo kiiska Koonfur Afrika soo gudbisay ee ka dhanka ah Xasuuqa ay Israel ka wado Gaza.

Julia Sebutinde iyo Garsooraha kasoo jeeda Israel ee Barak ayaa ahaa labada kaliyada ee diiday in la qabto dacwada ay soo gudbisay Koonfur Afrika.

Safiirka Ugandha u fadhiya Qaramada Midoobay Amb.Adonia Ayebare, ayaa sheegay in go’aanka Garsooraha Ugandha kasoo jeeda aysan ka tarjumeyn arragtida dowlada Ugandha oo uu sheegay inay garabtaagan tahay shacabka Falastiin.

Baraha Bulshada ayaa si adag loogu cambaareeyey go’aanka ay qaadatay Judge Sebutinde oo iyadu ku dooday in khilaafka u dhaxeeya Israel iyo Falastiin ay tahay mid siyaasad oo kaliya lagu xalin karo heshiis ay labada dhinac wada gaaraan.

Horseed Media