Dowladda Afghanistan iyo Taliban oo Ku Heshiiyay Xabad Joojin Saddex Maalmooda

Published: July 31, 2020

Maanta oo Jimce ah oo loo dabaaldegayo Ciidamada Weyn ee Ciidul Adxaa waxaa Wadanka Afghanistan ka dhaqan gashay xabad joojin saddex maalmood soconaysa oo u dhaxaysa dowladda iyo Ururka Talibaan.

Saacado ka hor waqtiga la filayay inay bilaabato xabad joojinta waxaa magaalada Puli Alam Gobolka Logar ka dhacay Qarax sababay dhimashada 17 qof oo ahaa dadka shacab dukaamaysanayay, inkastoo ururka Taliban ay beeniyeen inay qaraxaasi ka dambeeyeen.

Xabadjoojinta oo saddex maalmood soconaysa ayaa keentay in dad badan oo reer Afghanistan ah ay maanta u dareeraan Masaajidada iyo goobaha loo tamashlo tego iyagoo u dabaal degaya ciida. Xabad joojintan ayaa sidoo kale la filayaa inay horseedo heshiis buuxa oo soo afjara dagaalka u dhexeeya Dowladda Afghanista iyo Ururka Taalibaan.

” Waxaanu doonaynaa nabad waarta iyo Xabad joojin la isku halayn karo oo ka timaada dhinaca ururka Taliban” Sidaas waxaa yiri Maxamed Tahir oo ah Taksiile la hadlayay wakaalada wararka ee AFP ka dib Salaadii Ciida ee maanta

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani iyo Madaxda ururka Taliban ayaa tilmaamay in wadahaalada labada dhinac ay bilaaban doonaan maalmaha ciida ka dib, islamarkaana ay sii socon doonto xabad joojintu.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *