Dowladda Canada oo soo masaafurineysa dhalinyaro Soomaali ah

Published: November 18, 2022

Dowladda Canada ayaa billawday in ay ku dhaqaaqdo qorshaha ay ku masaafurineyso ku dhawaad 400 oo Dhalinyaro Soomaali ah oo Dalkaas ku gashay Baasaboorka waddamada deriska la ah Soomaaliya.

Canada ayaa sheegtay in dhalinyaradaas aanay ahayn Soomaali maadaama ay ku galeen Baasaboorka waddamo kale sidaas awgeed ay ku qasban tahay in ay masaafuriso oo dib ugu celiso waddamada ay ku socdaaleen Baasaboorkooda.

Cabdullaahi Muuse oo kamid ah Dhalinyaradaas ayaa sheegay in Dowladda Canada ka dalbatay in ay caddeeyaan Soomaalinimadooda, qaar kamid ah Dhalinyaradaasna laga buuxiyay diiwaanka Dowladda u ogolaanaya in la tarxiilo.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada iyo mas’uuliyiinta xilalka Dowladda ka haya ayuu Cabdullaahi Muuse ugu baaqay in ay u istaagaan sidii ay uga hortagi lahaayeen in la masaafuriyo Dhalinyarada oo dhammaan isku kiis ah.

Horseed Media