Dowladda Federaalka oo sheegtay inay hawlgal ku dishay 15 katirsan Al-shabaab

Published: November 25, 2022

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ay hawlgal ka dhacay Gobolka Shabellaha hoose ku dileen 15 ka tirsan ururka Al Shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu ka dhacay deegaanka Buulo Madiino ee gobolkaasi.

Sidoo kale Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Ciidanka NISA ay dhanka cirka ka taageerayeen diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga.

“Xubnahan Khawaarijta ee la laayay oo si gaar ah uu ugu daba jiray Sirdoonka Somaliya ayaa ahaa firxadkii ka badbaaday hawlgal 23-kii bishan laga fuliyay deegaankan, kaas oo lagu dilay 49 dhagarqabe” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa intaas lasii raaciyey “Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ayaa burburiyay gaadiid ay ku baxsanayeen Khawaarijta iyo hubkii ay wateen.”

Horseed Media