Dowladda Federaalka oo sheegtay inay howlgal ku dishay horjooge katirsan Al-shabaab

Published: December 18, 2022
Shares2

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay Howlgal ay Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen deegaanka Juxaay oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe in lagu dilay horjooge ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraalka ka soo baxay Dowladda ayaa lagu yiri sida tan “Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa  xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab kaas oo halis wayn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed.”

Dowladda ayaa sheegtay in Horjooge Yuusuf Jingaab lagu dilay hawlgal Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Juxaay isaga iyo 87 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-shabaab, 15-kii bishaan.

Ugu dambeyn war-saxafadeedka waxaa lagu soo gabgabeeyey “Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in cadaaladda la marsiiyo kuwa caadaystay gaboodfallada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed”

Horseed Media