Dowladda Ruushka oo digniin culus u dirtay Mareykanka

Published: September 16, 2022

Ruushka ayaa farriin adag kuna aaddan colaadda dalka Ukraine u diray Dowladda Mareykanka, xilli duulaanka Moscow ee dalkaasi uu sideed bilood ku sii dhowyahay, iyadoona Moscow ay ka digtay taageerada dhanka militari, ee ay Washington siineyso Ukraine.

Mareykanka ayaa horey Ukraine u siiyay gantaalada ridada dhexe iyo kuwa ridada dheer, taa oo wax ka bedeshay furimaha dagaalka, iyadoona Ruushka maalmihii ugu dambeysay dib looga riixay dhul uu dagaalka ku qabsaday.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Maria Zakharova ayaa ka dhawaajisay, haddii Washington ay gantaalada ridada dheer ugu deeqdo Kyiv uu macnaheedu yahay in Washington ay khadka cas ka soo gudubtay, dagaalkana ay ku soo biirtay.

Maria Zakharova ayaa sheegtay in Ruushka uu qaadi doono tallaabo uu qaranimadiisa ku difaaci doono, inkastoo aysan kala caddayn waxa ay tallaabadaasi noqon doonto.

Dhanka kale Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in lix boqol oo milyan oo dollar ($600M) oo taageero militari oo dheeri ah la siinayo Ukraine, si ay u dardargeliso iska caabinta ay kala horjeeddo duulaanka Ruushka.

Tani ayaa imaanaysa toddobaad ka dib, markii Washington ay iclaamisay inay Ukraine siin doonto labo dhibic toddobo bilyan oo dollar ($2.7B) oo kaalmo cusub ah, oo ay ku jirto lix boqol, shan iyo toddobaatan milyan oo dollar ($6.75M) oo hub ah.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka dalka Ukraine waxay Washington ay Kyiv ugu deeqday saanad militari, oo uu ku kacayo adduun lacageed oo dhan toban dhibic lix bilyan oo dollar ($10.6B).

Horseed Media