Dowladda Ruushka Oo Laashay Dacwadii Kooxda Wagner

Published: June 27, 2023

Hay’adda amniga Ruushka ee FSB ayaa maanta ku dhowaaqday inay laashay dacwad ka dhan aheyd dagaal-yahanada kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ee ku eedeysan inay sameysay gadood hubeysan oo ay xukunka uga tuureyso hoggaanka militari ee dalka.

“Kiis dambiyeedka loo furay kacdoonkii hubeysnaa ee shirkadda militariga gaarka ah ee Wagner waa la xiray,” ayey FSB ku tiri bayaan ay baahiyeen wakaaladaha wararka Ruushka.

Hay’adda FSB ayaa go’aankeeda ku sharaxday bayaanka, ayada oo sheegtay in ka qeyb-galayaasha kacdoonka hubeysan “ay joojiyeen ficilladooda tooska ahaa ee looga dan lahaa inay dambi galaan.”

FSB ayaa dhammaadkii toddobaadka ku eedeysay aas-aasaha Wagner Yevgeny Prigozhin inuu isku dayey inuu billaabo “dagaal sokeeye,” waxayna ugu baaqday dagaal-yahannada kooxda inay soo xiraan.

Heshiiskii la isku raacay Sabtidii ee qaboojiyey xiisadda ayaa waxaa qeyb ka ahaa inaan wax kiis dacwadeed ah lagu soo oogin ciidamada Wagner ee ka qeyb-qaatay kacdoonka, iyo in hoggaamiyahooda Prigozhin uu u guuro dalka Belarus, qodobadaas oo Kremlin-ka uu hadda fuliyey.

Horseed Media