Dowladda Soomaaliya Oo ATMIS Kala Wareegtay Fariisimahii Deegaanka Arbacow

Published: June 28, 2023

Ciidanka xasilinta ee Booliska oo sida Militariga u tababaran ayaa maanta ciidanka hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS  kala wareegay fariisimahoodii deegaanka Arbacow ee duleedka Muqdisho.

Taliyaha ururka 3-aad, guutada 22-aad Maxamed Soomaali ayaa si buuxda amniga deegaankaas iyo degaanada kale ee ku dhaw la wareegay.

Todobaadkii hore ciidanka Militariga Soomaaliyeed ayaa ATMIS kala wareegay saldhigga Miirtaqo oo Hirshabeelle ku yaal, waxaana xilwareejinta masuuliyada amniga oo u dhaceysa si tartiib tartiib ah ayaa waafaqsan qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) 2628 (22) iyo 2670 (22) kaa soo faraya hawlgalka ATMIS inay  saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023.

Hawlgalka ATMIS oo taageero ka helaya xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) ayaa maalin ka hor ku wareejiyey ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) xaruntii ugu horeysay ee Horudhac aheyd ee saldhiga ciidanka Xaaji Cali  ee dowlad goboleedka Hirshabeelle. Saldhigan ayaa hoos imanayey Hawlgalka ATMIS gaar ahaan Ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF).

Horseed Media