Dowladda Soomaaliya Oo Erey Bixin Ka Samaysay Magaca Ururka EAC

Published: December 25, 2023

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed kasoo baxay waxay kusoo saartay eray bixin loo sameeyay magaca ururka EAC oo ay Soomaaliya ku biirtay bishii Nofambar.

Qoraal uu telefishanka dawladda Soomaaliya baahiyey ayey wasaaraddu kaga codsatay dhammaan hay’adaha dawladda Soomaaliya iyo warbaahintu in ay adeegsadaan magaca, “Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana loo soo soo gaabin karaa Urur Goboleedka Bariga Afrika”.

“Waxaa la farayaa dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha kala duwan iyo warbaahinta inay sidaa u adeegsadaan marka ay qorayaan ama ka hadlayaan urur goboleedkan aan dhowaan ku biirney” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Horseed Media