Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay dagaal ka dhacay degaanka Qaayib

Published: November 7, 2022

Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal saaka ka dhacay degaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud. 

Af-hayeenka wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya S/Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadday fariisimaha Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug ku leeyihiin degaanka Qaayib. 

Af-hayeenka ayaa sheegay in Al-shabaab dagaalkaas khasaare xooggan lagu gaarsiiyay islamarkaana ay mar dhow soo bandhigi doonaan khasaarihii kooxda la gaarsiiyay. 

Qaayib ayaa kamid ah degaannadii u danbeeyay ee Gobolka Galgaduud ee Al-shabaab laga saaray oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug.

Horseed Media