Dowladda Soomaaliya oo gargaar caafimaad kala wareegtay Hay’ada WHO

Published: November 5, 2022
Shares16

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga gurmadka Qaran ee Xukuumadda Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO kala wareegey deeq Dawo ah oo qeyb ka ah Gurmadka dhaawacyadii ka dhashey Qaraxyadii 29-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo ay wehlinayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka ee Wasaaradda Caafimaad Dr Guuleed Cabdijaliil Cali ayaa la wareegey 39 Tan oo Dawo ah oo qeyb ka noqoneysa Gurmadka Masiibadii Zoobe oo ilaa hadda socota howlaha la xiriira gurmadka.

Wafdiga gurmadka soo gaarsiiyey Soomaaliya ee ka socdey WHO oo uu hogaaminayey Mamunu Rahman Maliki Madaxa WHO ee Soomaaliya ayaa xusey in Dawadaan ay ugu talagaleen gurmadka dhaawacyadii ka dhashey Qaraxyadii Argagixisanimo ee 29-October lala eegtey Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Isgoyska Zoobe oo ah meel ay u badan yihiin Shacabka masaakiinta ah.

Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha guddiga Gurmadka Qaran ee Xukuumadda Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO uga mahad celiyey sida markasta ay u garabtaagan yihiin Soomaaliya iyo sida gaarka ah ee ay ugu qeyb qaateen gurmadka qasaarihii ka dhashey Qaraxyaxii Nabaddiida ay ka geysteen Muqdisho.

Horseed Media