Dowladda Soomaaliya oo joojisey in shaqaale Soomaaliyeed dalka laga dhoofiyo

Published: November 17, 2022

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa gebi-ahaanba joojisey in shaqaale Soomaaliyeed dalka laga dhoofiyo.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa baabi’isay dhammaan ruqsadihii hore ee ay haysteen shirkadaha iyo hey’adaha dadka ka dhoofiya dalka.

“Dhammaaan ruqsadihii iyo shatiyadii hore Wasaaradda Shaqadu u bixisey ee Shirkadaha adeegga shaqosiinta dibeddu waa la baabi’iyey wax lagu dhoofinkaraana ma jiraan” ayaa lagu yiri warsaxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmasay xilli ay soo baxayeen warar ka imanaya dalka Sucuudi Careebiya oo tilmaamaya in tacaddiyo kala duwan loo gaystay gabadho Soomaaliyeed oo shaqo ahaan, hore loogu geeyey Sucuudiga.

Horseed Media