Dowladda Soomaaliya oo loogu wareejiyay deeq raashiin ah

Published: March 5, 2022

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa daah-furay munaasabad Dowladda Soomaaliya oo loogu wareejinayay ku dhowaad 3-kun oo tan oo raashiin kala duwan ah, taas oo ay bixineyso Dowladda Sacuudiga.

Munaasibadda waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Mas’uuliyiin ka socday guddiga abaaraha iyo xubno ka tirsan Qaramada Midoobay.

Mashruucan oo ay ka faa’ideysanayaan ku dhawaad 300,000 oo qof oo ah dadka ay abaarahu saameeyeen, ayaa waxaa ka mahadceliyay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, wuxuuna ku bogaadiyay dowladda Sacuudiga kaalmada balaaran ee la garab tagan tahay Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *