Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay gobolka Hiiraan ku dileen 12 Al-shabaab ah

Published: November 11, 2022

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in militariga Soomaaliya uu 12 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ku dilay deegaanka Burdaar ee gobolka Hiiraan, kadib weerar ay halkaas ku qaadeen aroorti hore ee saaka.

Generaal Caanood oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay sidoo kale fashiliyeen isku dayga weerarka Al-shabaab, kadib markii ay heleen xogta weerar qorsheysan, oo sida uu sheegay ay la damacsanaayeen ciidanka xoogga dalka.

Waxa uu sheegay in saddex askari oo ka tirsan ciidamada xoogga ay ku dhaawacmeen weerarkan.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ururka Al-shabaab oo ku aaddan weerarkan.

Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay ka socday deegaanno ka tirsan Hirshabelle iyo Galmudug, iyadoo magaalooyin iyo tuulooyin badan laga saaray.

Horseed Media