Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgaladdii ka dhacay gobolka Sh/dhexe

Published: October 24, 2022

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay weerradii ka dhacay deegaanada gobolka Shabeelaha dhexe iyadoo sheegtay in xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab ay ku dileen.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaradda ayaa sheegay Hawlgallo ay iska kaashadeen Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibadooda caalmiga ah ee taageera ay ku dileen hoggaamiyaal ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Hawlgalladaan waxa ay dhaceen deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo Bur-coloow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Hawlgalka Koowaad waxaa la fuliyay Sabti 22-kii October waxaa lagu beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad, waxaa lagu dilay 21 argagixisada ka tirsan oo ay ku jiraan horjoogayaal uu ka mid ahaa Horjooge Cabdullaahi Cali Caraale.

Hawlgalka labaad waxaa uu dhacay 23 bisha oo shalay ahayd 3:30pm galabnimo waxaana laga fuliyay nawaaxiga magaalada Masaajid Cali-Gaduudd goob bartimaameed gaar ah u ahayd Hay’adda NISA waxaana lagu dilay 11 ka tirsan maleeshiyada khawaarijta ah iyadoo lagu dhaawacay  in ka badan 30 kale oo halkaas ku sugnaa.

Hawlgalka seddexaad ugana xoogganaa wuxuu dhacay xalay 9:40pm,   10:25pm,   10:43pm, 12:00am saq-dhexe,  waxaana uu ka dhacay deegaanka Bur-coloow  dadka qaarna u yaqaanaan Doolile oo Maasjidka Cali-guduud u jira 10km dhanka galbeed halkaas oo farriisan weyn u ahayd argagixisada, waxaa goobta weerarka ku sugnaa kooxda jabhada oo uu hogaminayay horjooge  Muscab Cabdulle Saneey iyo horjoogayaal kale oo qorsheynayay weerar ay ku soo qaadaan Ciidanka Qaranka iyo xaq u dirirka u taagan kacdoonka ka dhanka ah.

Weerarada xalay dhacay, midka Koowaad, waxaa lagu beegsaday gaari weyn oo nuuciisu yahay Biijii oo ay u saarneed rasaas iyo saanad ciidan oo argagixisado lahaayeen halkaas ayaana si guul ah loogu burburiyay Gaarigaas iyo Agabkii saarnaa.

Weerarka labaad ee isla xalay daqiiqado ka dib dhacay waxaa lagu beegsaday gaari kale oo Biijii ah oo saarnaayeen walxa qarxaha oo aad u xoogganaa, waxaana qaraxiisa laga maqlay deegaano fog fog, isaga  oo saameeyay in ka ka badan 1km dhul gaaraya, wuxuu baabi’iyay dhammaan maleeshiyadii ka ag dhowaa, waxaana  meydadkooda la aqoonsaday 9 kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta iyo horjoogayaashooda halkaas ku sugnaa, iyadoo intooda badan la aqoonsan waayay maydadkooda maadaama ay aad u gubteen.

Weerarka afaraad waxaa lagu beegsaday maleeshiyaadkii ka firxaday weerarada hore ee ka dhacay Bur-coloow kuwaas oo iyaga oo is uruursanaya la baabi’iyay.

Dawladdu waxeey aaminsantahay in tirada dhimashada ee Khawaarijta ka soo gaaray hawlgaladaas uu kor u dhaafayo Boqol, waxayna wali uruursanayaan maydadkooda, iyagoo saaka oo kaliya geeyay deegaanka Al-kawthar oo u dhaw Aadan-yabaal maydadka 33 Maleeshiyo”ayaa lagu yiri Wasaxaafadeedka ka soo baxay Dowladda.

Horseed Media