Dowladda Talyaaniga oo tahriibayaal rag u badan u diiday inay ka degaan maraakiib ku sugan xeebaha dalkaasi

Published: November 7, 2022
Shares70

Dowladda Talyaaniga ayaa 35 nin ka hor istaagtay inay ka degaan markab soo badbaadiyay muhaajiriin doonayay in ay ku deggaan deked ka mid ah kuwa Talyaaniga muddo labo toddobaad ah.

Dowladda ayaa ogolaatay in dadka qaar sida carruurta, haweenka iyo dadka xanuusanaya ay ku deggaan dekadda Sicily.

Markabkan oo lagu magacaabo Humanity 1 ayaa ka mid ah maraakiib sidda dad tahriibayaal ah oo sugaya ogolaanshaha inay ku degaan dhulka Talyaaniga.

Horey ayay Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Georgia Meloni u ballan qaaday, intii ay ku guda jirtay ololaheedii doorashada, inay qaaddi doonto tallaabooyin meesha ka saaraya muhaajiriinta u socdaalaya Talyaaniga ee ka imaanaya dalalka Waqooyiga Afrika iyagoo sii maraya badda Mediterranean-ka.

Talyaanigu waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay ka galaan tahriibayaashu Yurub. Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in 85,000 oo muhaajiriin ah ay doonyo ku gaareen Talyaaniga sanadkan 2022-ka

Horseed Media