Dowladda Ukraine Oo Soo Riday Diyaarad Militari Ruushku Leeyahay

Published: February 24, 2024

Ukraine ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarad militari oo Ruushku leeyahay oo ah nooca A-50, taasoo ah tii labaad oo ay sheegato in muddo bil gudaheed ah ay soo riddy.

Diyaaradda ayaa lagu soo riday inta u dhaxaysa magaalooyinka Ruushka ee Rostov-on-Don iyo Krasnodar,meel 200km (124 mayl) u jirta jiidda hore, sida ay sheegeen ilo-wareedyo militariga Ukraine ka tirsan.

Ciidamada gurmadka deg degga ah ayaa lagu soo warramayaa in ay degmada Kanevskoy ka heleen haraaga diyaaradda ayna damiyeen dab xooggan oo ka dhashay burburka.

Ruushka ayaan ka hadlin sheegashadaas. Maanta ayay ku beegan tahay laba sano markii uu Ruushku bilaabay duullaanka buuxa.

Horseed Media