DRC: Jabhada M23 oo ku wajahan magaalada Goma & Qaxa shacabka

Published: February 8, 2024

Boqolaal kun oo shacab ah ayaa kusii qul qulaya magaalada Goma ee bariga dalka DRC, xili maleeshiyaada M23 deegaankaasi ku wajahan yihiin.

Jabhada M23 ayaa tan iyo shalay dagaal xoogan kula jira ciidamada Dowlada DR Congo iyo kuwa Qaramada Midoobay, waxayna maleeshiyaadkaasi go’adoon geliyeen magaalada Sake ee ee bariga dalkaasi.

Maleeshiyaadka ayaa doonaya inay gaaraan magaalada Goma oo ah magaalada ugu weyn ee bariga dalka DRC, waxaana ku nool in ka badan 1 milyan oo qof, waxaana xiligan deegaankaasi kusii qulqulaya dadka ka qaxay dagaalada ka socda gobalada North Kivu, Rutshuru iyo Masisi.

Dowlada DRC ayaa ku eedaysay Dowlada Rwanda inay taageero siiso jabhada M23, kuwaasi oo sanado kahor mar gacanta ku dhigay magaalada Goma kahor intaan dib looga saarin.

Horseed Media