Duqeymaha Mareykanka & UK ee dalka Yemen oo ay ku dhinteen dad rayid ah

Published: May 31, 2024

Militeriga Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa sheegay inay qaadeen duqeymo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen Khamiistii, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in kooxdaasi looga hortago inay sii carqaladeeyaan maraakiibta badda cas, iyadoo warbaahinta Xuuthiyiinta ay sheegtay in ugu yaraan 13 qof lagu dilay duqeymahan.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Britain ay duqeeyeen 13 bartilmaameed oo ku yaala deegaanada Xuutiyiinta ay maamulaan.

Wasaaradda difaaca ee Britain ayaa sheegtay in howlgalka wadajirka ah lagu bartilmaameedsaday saddex goobood oo ku yaalla magaalada dekedda leh ee Xudeydah, oo ay sheegtay in ay yaaleen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

TV-ga Al Masirah ee ay Xuuthiyiintu maamulaan ayaa soo sheegay ugu yaraan 13 dhimasho ah iyo 10 dhaawac ah oo ka dhashay weerarro lagu qaaday dhismo raadiye oo ku yaalla degmada Al-Hawk ee Xudeyda.

Warbaahinta ay Xuuthiyiinta maamulaan ayaa sheegay in 13 duqeyn lagu soo qaaday, oo ay ku jiraan lix weerar oo ka dhacay caasimadda Sanca.

Horseed Media