Duqeyn cusub oo sababtay dhimasho & dhaawac oo ka dhacday caasimadda gobolka Tigray

Published: September 23, 2022

Duqeyn cusub ayaa maanta ka dhacday caasimadda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, waxaana ku dhintay ugu yaraan hal qof sida sheegeen masuuliyiinta isbitaalka ugu weyn magaalada.

“Meydka hal qof ayaa la keenay isbitaalka Ayder kadib weerar drone ah oo ka dhacay magaalada Mekelle, aagga Desta Hotel,” waxaa sidaas twitter-ka kusoo qoray isbitalka.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in 17 qof lagu dilay duqeymo ka dhacay gobolka Tigray tan iyo markii uu dagaalka dib u qarxay bil ka hor.

Dagaalka oo dib u billowday 24-kii August ayaa meesha ka saaray xabad-joojin jirtay illaa bishii March, wuxuuna meesha ka saaray in si nabdoon loo xaliyo dagaalka labada sano u dhaxeeya dowladda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo kooxda TPLF.

Mas’uuliyiinta Tigray ayaa bishan ku dhowaaqay inay diyaar u yihiin wadahadallo uu dhex-dhexaadiyo ururka Midowga Afrika, taasi oo meesha ka saartay caqabad muddo hortaagneyd wadaxaajoodka.

Dagaalka ayaa muddada labada sano ku dhow ee uu socdo waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaana laga diiwan geliyey xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo ay gaysteen dhammaan dhinacyada.

Horseed Media