
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisey weerar dhanka cirka ah oo lagu diley horjooge ka tirsanaa argagaxisada al-Shabaab, kaas oo ka dhacay Gobolka Bakool, meel u dhaw magaalada Waajid, weerarka ayaa la fuliyey maanta oo jicme ah.
Horjoogaha al-Shabaab ayaa magiciisa lagu sheegay Isaaq Cabdullaahi Afey, waxaana lala diley dhammaan ilaaladiisii oo gaareysey 8 askeri.
Dadka deeegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Isaaq Cabdullaahi u qabaisalanaa al-Shabaab hawlgalada iyo isku dubaridada qaraxyada, tashkiilinta iyo abaabulka dhalinyarada.
Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtey in duqeyntu ay dhacdey laakiin Maraykanku ay dileen 8 qof oo rayid ah magaalada Buurdhuxunlle ee gobolka Bakool oo waqooyiga kaga beegan Waajid.
Maraykanka ayaa kordhiyey weerarada cirka ee uu la beegsanaayo malayshiyada al-Shabaab, iyaga oo taageeraya dowaldda federaalka ah, waxaana duqeyntii ugu ba’neyd ka dhacdey Shabeelada Dhexe todobaadkii hore.
Horseed Media