Duqii Hore Ee Qardho Cismaan Buux Oo Geeriyooday

Published: March 14, 2021

Waxaa maanta magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Duqii hore ee degmada Qardho Cismaan Buux Cali oo sidoo kale soo noqday Agaasimihii Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Cismaan Buux ayaa maalmahan ku xanuunsanaa magaaladda Qardho isagoo la ildarnaa Xanuunka Covid-19.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Duqii hore ee degmadda Bosaso

Alla ha u naxariisto Cismaan Buux Cali, wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay dadka reer Puntland, isagoo soo noqday duqa degmada Qardho iyo Agaasimaha dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Waxaan u tacsiyeynayaa ehelkiisii iyo qoyskiisii, marxuumka waxaan alle uga baryaya inuu janadii geeyo aamiin.

Sidoo kale, Masuuliyiinta Wasaaradda maaliyada Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Cismaan Buux Cali.

” Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxa ay tacsi u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Cismaan Buux Cali , Agaasimihii hore ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland , ilaahay Samir iyo iimaan ha ina ka siiyo, Marxuumkana janadii Fardowsa ha geeyo Aamiin Aamiin” Sidaas waxaa lagu yiri Qoraal lagu soo daabacay bogga facebooga ee Wasaarada maaliyadda Puntland.

Cismaan Buux Cali wuxuu noqday guddoomiyihii iyo duqii u horreeyay ee gollaha deegaanka Qardho ay doorteen tan iyo sanadkii 1968dii, isagoo xilkaas hayay muddo 4 sanno ah.

Bishii August sanadkii 2010 ayuu xilka ku wareejiyay Maxamed Siciid Hoggaamo oo ku guulaystay doorashadii gollaha degaanka Qardho., isagoo noqday guddoomiyihii koowaad ee xilka si dimuqraadi ah loogu doortay oo ku wareejiya si dimuqraadi ah.

Degmada Qardho ayaa hada waxaa maamula gollihii degaanka ee saddexaad oo ay soo doorteen odoyaasha Magaalada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment