Duufaano Maraykanka ku diley ugu yaraan 18 qof

Published: January 23, 2017

Ugu yaraan 18 qof ayaa naftooda ku waayey kadib markii cimiladu aad u xumaatey Koonfur bari dalka Maraykanka labadii maalmood ee la soo dhaafey. Dabaylo aad u xooggan iyo duufaan ayaa ku dhuftey qaybo badan oo kamid ah gobolka Georgia.

– Waxaan ugu baaqayaa qofkasta oo reer Georgia ah in ay taxadaraan oo feejigaan muujiyaan si looga hortago khasaare dheeraad ah oo lagu waayo nafta ama dhaawacyo keena ayuu yiri Barasaabka gobolka Georgia Nathan Deal.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xiriir la sameeyey barasaabka gobolka Georgia waxaana uu ballan qaadey tageero heer federaal ah.

Sawiro laga soo qaadey dhulka duufaantu dabaylanaha ah ku dhufteen ayaa mujinaya sida ay u burbureen guryuhu iyi geedaha oo dhulka yaala.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *