Duufaanta Eunice oo khasaare ka geysatay galbeedka Yurub

Published: February 19, 2022

Duufaanta Eunice oo shalay gelinkii danbe iyo xalay ku dhufatay wadamada galbeedka qaarada Yurub ayaa geysatay khasaaro nolol iyo maalba ah.

Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhintey dabeylaha xoogaleh ee Duufaantan oo la sheegay in xawaarahooda uu kor u dhaafay 190km saacadii.

DEN HAAG – ANP PHIL NIJHUIS

Dabeylahan ayaa burbur u geysatay qaar kamid ah goobo muhiim ah sida xarunta O2 Arena ee magaalada London iyo Stadiumka Den Haag ee dalka Holland oo khasaare xoogan soo gaaray.

Geedaha iyo qalabka kale oo ay dabeylahan wateen ayaa la sheegay inay khasaare iyo burbur xoogleh geysteen, sida haweenay ku dhimatay magaalada London kadib markii uu geed soo fuqay uu ku dhacay gaarigii ay saarneyd.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *