Duulimaadyada Tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi oo Maanta Bilaabanaya

Published: March 29, 2017

waxaa la filayaa maanta oo arbaca ah inuu bilowdo Duulimaadkii u horeeyay ee toos ah ee Muqdisho iyo Nairobi kaasi oo qayb ka ahaa heshiiskii dowladda federaalka Soomaaliya iyo kiiniya ay kala saxiixdeen toddobaadkii, iyadoo dowladda Kenya ay si rasmi ah u bilaabi doonto dhaqan gelinta heshiiskaas.

Xaflad kooban oo lagu furay duulimaadka tooska ah ayaa waxaa ka qaybgalaya Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ,iyadoo diyaaradii u horeysay oo toos ah ay saaka ka dhoofi doonto magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa ka socoto qaban qaabada munaasadda ku aadan daah furka howlaha duulimaad tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo markii hore ay diyaaraduhu mari jireen garoonka Wajeer ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Sidoo kale dhamaan diyaaradaha horay uga bixi jiray gobollda dalka ee aadi jiray Kenya ayaa bedelkii ay mari jireen Wajeer, wixii hadda ka dambeeya waxa ay soo mari doonaan magaalada Muqdisho ee , halkaasi oo si toos ah ay uga baxeyso duulimaadyada ku aadan Muqisho iyo Nairobi.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *