Egypt: Sisi oo sheegay inaysan ogolaan doonin in Falastiiniyiinta loo soo qaxiyo dalkooda

Published: February 18, 2024

Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi ayaa markale sheegay Sabtidii inaysan sinaba u aqbali doonin in Falastiiniyiinta ay Israel kasoo barakicisay dhulkooda Gaza, loo soo qaxiyo gudaha dalkiisa Masar.

Sisi ayaa warkan soo saaray shalay oo uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha France Macron, xili ay Israel dhegaha-ka-fureysatay baaqa Beesha Caalamka ay ugu yeerayaan inaysan weerarin deegaanka Rafah ee koonfurta Qasa, oo ah goobta ugu danbeysa oo ay ku sugan yihiin Falastiinyiinta laga baro-kiciyey Marinka Gaza.

Masar ayaa la sheegay inay hada dhismo weyn ka wado xaduuda ay la wadaagto Rafah, halkaasi oo ay ka dhiseyso xeryo waaweyn, qorshahaasi oo la rumeysan yahay inay uga danleedahay inay halkaasi ku xareyso hadii qaar kamid ah Falastiiniyiinta qaxaya ay gudaha usoo galaan xadka Masar.

Horseed Media