Erdogan oo sheegay in Israel ay dhibaato la kulmi doonto haddii ay khaarajiso Xubnaha Xamaas ee ku nool Turkiga

Published: December 6, 2023
Shares44

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa uga digay Israa’iil maanta oo Arbaca ah inay ugaarsato xubnaha Xamaas ee ku sugan Turkiga, isagoo sheegay in Israa’iil ay arrintan kala kulmi doonto dhibaato weyn.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa todobaadkii hore sheegtay in Israa’iil ay wado qorsho ay dooneyso inay ku ugaarsato madaxda Xamaas ee ku nool dhawr waddan oo Carbeed iyo Turkiga.

Erdogan oo saxaafada kula hadlayay diyaarad xili uu kasoo laabatay Qatar, ayaa sheegay in mustaqbalka Gaza dagaalka ka dib ay go’aan ka gaari doonaan shacabka Falastiin, Israa’iilna ay tahay inay soo celiso dhulkii ay qabsatay.

Israel ayaa ku doodeysa in dagaalka Gaza kadib ay ayadu sii maamuli doonto dhulkaasi si aan markale looga soo weerarin.

Horseed Media