Ergayga gaarka ah ee QM oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda

Published: May 26, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, ku simaha ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Wasiir Axmed Fiqi, ayaa ugu hambalyeeyay Mudane James Swan xilka loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay inuu ka soo dhalaalo mas’uuliyadaha loo igmaday.

Intii lagu gudo-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa la iskula eegay dhisidda guddi farsamo oo wadaag ah oo kala matalaya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ujeedkooda shaqo uu yahay unkidda Xafiis Qaramada Midoobey ku yeelato dalka, iyo sare u qaadid iskaashi wax-ku-ool ah iyo iskuduwid sarraysa si loo gaaro ujeeddooyinka wadaagga ah ee ka shaqaynaya hannaanka kala guurka ee la qorsheeyay.