Eritrea Airways oo markii ugu horaysay ka dagtay garoonka diyaarada ee Adisababa.

Published: August 5, 2018

Shirkadaha diyaaradaha ee Eritrea ayaa si rasmi ah maanta duliimaadkeeda diyaaradaha ee Adisababa u bilawday iyadoo labaatan sano ka dib markii ugu horaysay maanta cagadhigatay garoonka diyaaradaha Pole ee Adisababa, diyaarada ayaa siday saraakiil ka tirsan hay`ada hawada Eritrea , dalxiisayaal iyo dad kale oo caan ka ah gudaha Eritrea.

Wasiiru dawlaha wasaarada Arimaha dibadda Hirut Zemene iyo madax kale oo ka tirsan Ethopia ayaa si wayn usoo dhaweeyay rakaabkii saarnaaa diyaarada, talaabadaan ayayna ku tilmaameen mid sii xoojinaysan xiriirka labada dal, 17 maalmood ka hor ayaa diyaarada Ethopia iyaduna markii ugu horaysay gaartay Asmara xarunta dalka Eritrea.

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *