Ethiopia: Abiy Ahmed oo amray weerar militari oo ka dhan ah maamulka Tigreyga

Published: November 4, 2020

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inuu amray in ciidamada Federaalka Itoobiya ay weerar ku qaadaan maamulka Tigreyga kadib markii la sheegay ciidamada Tigreyga inay weerareen Taliska Ciidamada Federaalka ku leeyahay Ismaamulkaasi.

Qoraal uu Abiy Ahmed ku faafiyey bartiisa Twitter ayuu ku sheegay in ciidamada TPLF ay weerareen saldhiga ciidamada Federaalka iyagoo doonayey inay bililiqeystaan hubka halkaasi yaal, isla markaana ku amray ciidamada Federaalka inay gutaan hawshooda ah inay difaacaan Qaranka.

“…Ciidamadeena Waxaan ku amarnay inay gutaan waajibaadkooda ah inay dalka Difaacaan, Xadkii ugu danbeysay way soo dhaaftay….adeegsiga cududa militari waa xalkii ugu danbeeyey ee aan ku khasbanaanay inaan qaadano…” ayuu yiri Raysalwasaaraha Itoobiya oo markii ugu horeysay qaatay inuu dagaal la galo maamul xubin ka ah Federaalka Itoobiya.

Abiy Ahmed

Taliska Waqooyiga ee Ciidamada Federaalka ee la sheegay in la weeraray ayaa ku yaal magaalada Mekelle ee caasimada Tigreyga.

Faah faahin dheeraad ah lagama hayo weerarka la sheegay in ciidamada TPLF ku qaadeen saldhiga ciidamada Federaalka, waxaana go’an dhamaan isgaarsiinta ismaamulka Tigreyga.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa laga digayey in xiisada ka dhex taagan dowlada Federaalka iyo Maamulka Tigreyga uu isu bedali karo dagaal sokeeye, kadib markii Tigreyga ay diideen go’aankii dib loogu dhigay doorashadii la qaban lahaa bishii Agoosto arrimo la xariira Covid19 sida maamulka Abiy Ahmed sheegay.

Asbuucyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa socday loolan militari oo la xariira ciidamada Federaalka ee ku sugan gudaha dhulka Tigrayga oo ay labada dhinac ku loolamayeen cida maamuli doonta ciidamadaasi iyo hubka saldhigyadaasi yaala.

Tigreyga ayaa sheegay in bilowgii bishii Oktoober wakhtigii ka dhacay Baarlamaanka Federaalka iyo Xukuumada Abiy Ahmed.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *