Ethiopia: Caasimada Tigrayga (Maqalle) oo u gacan gashay Ciidamada Federaalka

Published: November 28, 2020

Dowlada Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay goordhaweyd in ay si buuxda ulla wareegeen gacan ku heynta magaalada Maqalle (Mekelle) oo maanta lala beegsaday duqeyn xoogan.

Taliska Ciidamada Federaalka iyo xafiiska Raysalwasaare Abiy Ahmed ayaa qoraal ay soo-saareen ku sheegay in caawa ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Maqalle, walow aysan jirin weli cid si madax-banaan u xaqiijin karta xaalada magaalada ka jirta, waxaana heli go’an isgaarsiinta telefonada & internetka.

Waxaa muuqata in ciidamada Tigrayga oo maalmihii lasoo dhaafay hubkooda culus iyo ciidamadooda ku aruurinayey buuraha ku dhaw magaalada Maqalle ay dib uga gurteen caasimada, ciidamada dowlada Federaalka ayaa dhinaca Waqooyi  Galbeed iyo koonfurta kasoo weeraray Maqalle.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa horey uga digay in dhibaato loo geysto dadka ku sugan magaalada Maqalle. Qaramada Midoobay ayaa ka codsatay dowlada Itoobiya inay u fasaxaan hay’adaha gargaarka inay tagaan goobaha ay dagaalada ka dhaceen.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *