Ethiopia: Ciidamada Abiy oo qabsaday Madaarka Humera ee gobalka Tigray

Published: November 10, 2020

Telefishinka ku hadla afka dowlada Federaalka Itoobiya ayaa maanta oo Salaasa ah shaaciyey in ciidamada Federaalka la wareegeen gacan ku heynta Madaarka magaalada Humera oo ku taal Waqooyi-galbeed gobalka Tigray una dhaw xaduuda dalalka Sudaan iyo Eritrea.

Dagaalka ka socda forimo kala duwan ee xaduudaha dhulka Tigrayga ayuu dhinac walba guulo ka sheeganayaa, waxaana weli go’an isgaarsiinta taasi oo adkeynaysa in la ogaado xaalada deegaanadaasi.

Dhinaca Tigrayga ayaa iyaguna sheegay inay ku guuleysteen inay ciidamada Federaalka ka hor joogsadaan duulaano ay kasoo qaadeen dhinaca koonfureed.

Abiy Ahmed ayaa dhinaciisa iska fogeeyey baaqyo uga imaanayey Beesha Caalamka oo kula taliyey inuu wadahadal la galo maamulka Tigrayga isagoo sheegay in uu xil ka saaran yahay amniga & degenaanshaha dalkiisa iyo inuu cadaalada horkeeno danbiilayaasha:

Dagaalkan socda muddo asbuuc ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen boqolaal dad ah walow dhinacyada dagaalamaya aysan illaa iyo hada si rasmi ah u xaqiijin tirada rasmiga ah.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment