Published: April 1, 2021
by: Horseed Staff
Maleeshiyaad ka tirsan Jamhada Oromada Itoobiya ayaa lagu eedeeyey dilka dad rayid ah oo gaaraya 30 qof oo u dhashay qowmiyada Amxaarada, xili ay sii xoogeysanayaan dagaalada u dhaxeeya labadaasi qowmiyadood.
Weerarkan ayaa habeen hore ka dhacay deegaanka Galbeedka Wollega oo ka tirsan degmada Babo-GembelĀ ee Ismaamulka Oromada.
Weerarkan ayaa dhabar jab ku ah dadaalkii dowlada Federaalka Itoobiya ay dooneysay inay ku joojiso xiisadaha u dhaxeeya qawmiyadahaasi kuwada nool dalka Itoobiya, xili aan weli xal loo helin dagaalada ka socda ismaamulka Tigray.
Horseed Media