EYL: Jaah-wareer ka taagan doorashadii guddoomiyaha degamada

Published: April 14, 2022

Maanta oo taariikhdu tahay 14 Abril waxaa lagu wadey in degmada EYL ay ka dhacdo doorashadii golaha deegaanka ee nidaamka ururka loogu tartamey, wararka warbaahinta Horseed soo gaaraya ayaa sheegaya in halkaas weli jaahwareer ka taagan yahay.

Ururka Kaah oo haystey 13 kamid ah 27 Xildhibaan una baahnaa keliya hal xidhibaan si ay u dhisi karaan guddoomiye iyo ku-xigeen, ayaa u kala jabey laba garab, kadib markii Musharixii KAAH wadatey Muuse Cismaan Yuusuf oo horey guddoomiye uga ahaan jirey EYL uu iska dhinac sharaxay Muharax kale oo goonidiisa u taagan, oo lagu magacaabo Faysal Khaliif Wacays waxaana uu helay 7 Xildhibaan oo KAAH ah, kadib waxaa habeenkii xalay u galay ilaa 10 Xildhibaan oo kale oo ka kala tirsan ururada Kale ee Mideeye, Sincad iyo Runcad.

Saakey waxaa hoolkii doorashadu ka dhici lahayd qabsadey ciidamo taageersan Musharaxa Kaah wadatey, wararku waxay sheegayaan in hal qof lagu dhaawacay hoolka.

Ilaa hadda xal looma helin in hoolka la furo waxaana cabsi weyn laga qabaa in doorashadu sidaas ku baaqato.

Degmada EYL ayaa la filaayey in ay noqota tan keliya ee ururka KAAH uu ku guuleysan doono guddoomiyaheeda iyo weliba ku xigeenkeeda, laakiin waxaa labo u kala jabey Xildhibaanada ururka muxaafadka ah ee Kaah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *