Fadeexad Dul Hoganeysa Heshiisyada Shirkadaha La Wareegay Garoomada Puntland

Published: July 8, 2022
Shares8
Wasiirka Duulista Puntlnd oo heshiis aanu hayn ku saxiixay Abu Dhabi Dec 2020

Waxaa soo baxaya caddeymo badan oo muujinaya sida Puntland ay u noqotey meel baylah ah oo la iibgeeyo kaabayaasheeda dhaqaale, kheyraadkeeda badda iyo macaadin kale, lagana iibiyo shirkado been-abuur ah oo loogu magacdaro in ay yihiin kuwo caalami ah taas oo ay ku lug leeyihiin shakhsiyaad aad ugu dhaw maamulka hadda jira.

Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa kalfadhigan si adag ula xisaabtamaya Wasaaradaha Dowladda Puntland, waxaana u danbeysey Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

Kalfadhigii 50aad ee Golaha Wakiilada Puntland fadhigiisi 18aad waxaa horyimid Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cusmaan Lugatoor iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Maax Axmed Yuusuf, waxaana ay wajaheen su’aalo adag oo uga yimid Xildhibaanada, su’aasha ugu daran ayaa ahayd heshiisyada lagu wareejiyey Garoomada Bosaso iyo Garoowe in Wasiirku soo gudbiyo.

Halkii wasiirka laga sugaayey in uu Baarlamaanka horkeeno Heshiiska ay mudada dheer dalbanayeen ee labada shirkadood ee lagu wareejiyey garomada Bosaso iyo Garoowe ayuu yiri “Heshiiskaas Xukuumadda ayaan geyneynaa, kadib ayuu Baarlamaanka imaan heshiisku”, waxaa la yaab ah in 18 bilood shirkad qaadeysey dhamaan khidmadda garoomada xitaa Golaha Wasiirada la horgeyn ilaa hadda iska dhaaf in Baarlamaan la horgeeyo, taas oo muujineysa sida dalku baylah u yahay.

Xildhibaanada Golaha wakiilada ayaa u qabtey Wasiir Lugatoor 21 Luuliyo 2022 in uu heshiisyada keeno ugu danbeyn, taas oo ah mid aan la fileyn in ay dhici doonto, maadaama wasiirku aanu gacantaba ku hayn heshiiska.

Haddaba Horseed Media oo wadey baaritaan ku aadan heshiisyadan ayaa la wadaageysa akhristayaasheeda xogta ay ka heshay.

Bishii Sept 2019 waxaa Bosaso yimid ganacsato u dhalatey dalka Imaraadka Carabta, kuwaas oo aan la sheegin magaca shirkadda ay ka socdaan, waxaana Madaxweynaha Puntland goob-joog ka ahaa heshiis la saxiixey oo ahaa maalgashi garoonka diyaaradaha ee Bosaso.

Sida Horseed Media ka ogaatey ilo ku dhaw madaxtooyada Puntland, ganacsatada ayaa ku qanci waayey dakhliga Garoonka Bosaso ka soo xerooda, waxaana ay ku fekereen in ay heshiiska isaga baxaan. Madaxweynaha Puntland ayaa badbaadiyey heshiiska waxaana uu Dowladda Abu Dhabi ka soo dhameeyey in garoonka Bosaso loo dhamaystiro oo laga dhigo mid Cargo oo gaaraya 3.2km, lagu daro 1km dhabbaha diyaaradahu ku ordaan ee hadda ah 2.2km.

Bishii Dec 2020, ayaa Wasiir Lugatoor heshiis ku soo saxiixey Abu Dhabi, waxaana heshiskaas lagu sheegay in lala galay shirkad la yiraahdo TISL, mudadii aan wadney baaritaanka ayaaan ogaaney in shirkadaasi aysan lahayn xafiisyo iyo website lagala xiriiro. Saxiixa Heshiiskaas waxaa goobjoog ka ahaa oo wasiirka ku weheliyey, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada nin lagu magacaabo Maxamed Cabdirashiid oo aan la ogeyn halka uu ka soo galay heshiiskan, iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Duulista Xil. Cismaan Cali Xoodh (Dheere), qoraalka heshiiskaas wasaaradda gacanta looma gelin.

Wasiir lugatuur, Agaasimaha Wasaaradda duulista Cismaan Dheere, Agaasimaha Madaxtooyada iyo ganacsato carab iyo Ruush isugu jira Dec 2020 Abu Dhabi

Kadib waxaa jeebka lagala soo baxay Shirkad cusub in lagu wareejiyo garoonka taas oo loogu magacdarey BIAC (Bosaso International Airport Company LLC) Waxaa shirkaddan wadaaga ganacsato carbeed kuwo u dhashey dalka Ruushka, iyo Madaxweynaha Puntland oo uu wakiil ka yahay nin walaalkiis ah oo lagu magacaabo Xasan Cabdullaahi Deni, kaas oo horey uga soo muuqdey wax ka beddelkii heshiiskii P&O Ports, bishii Abril, isaga oo aan la ogeyn xilka uu ka hayo Puntland.

Dhaqaalihii Puntland ka heshay Abu Dhabi in ay ku dhisto 1km, Dhabbaha diyaaradaha, Hangarka diyaaradaha lagu sameeyo oo qaada hal diyaarad iyo wadada garoonka soo gasha, ayaa Madaxweyne Deni dalbadey in lagu wareejiyo shirkadda cusub ee BIAC ee walaalkiis wakiilka uga yahay, in ay iyadu dhisto, shirkaddan ayaa heshiis la gashey shirkad kale oo yar oo ka diiwaan gashan Somaliland taas oo ay wadagaan nin reer Hargeysa ah, ganacsato Jabuutiyaan ah iyo kuwo Shiineys ah, waxaana lagu magacaabaa COCC, waxaase dadka lagu marin habaabiyey in ay hoostagto shirkadda weyn ee CCECC oo horey u dhistey garoonka diyaaradaha ee Bosaso.

Horseed Media ayaa heshey xog la xiriirta shirkadda COCC in ay dhiseyso cabbir ka yar kii dhaqaalaha lagu soo qaatey, isla markaana garoonka ka dhigi kartey mid ay ku soo degi karaan diyaaradaha waaweyn ee xamuulka sida cabbirkaas oo gaaraya 800mitir, waxaana sidaas ka dalbatey shirkadda loo samaystey heshiiskan ee BIAC, oo dooneysa in ay ka dhex macaashto qandaraaska.

Shirkadda BIAC ayaa si weyn u musuqmaasuqdey dhaqaalihii Imaaradda Abu dhabi ay bixisey, waxaana ka mid ah meelaha musuqu ka dhacay shaqaalaha oo si weyn loogu tacadiyo xuquuqdoodi, sidoo kale waxaa aad u hooseeya tayada dhabbaha ay hadda dhisayaan marka la eego kii ay dhistey shirkadda CCECC ee shiinaha laga lahaa.

Masuuliyiin ka tirsan shirkadda SUNRISE ee qaybta maareynta adeega garoonka Bosaso (handling airport services) oo heshiis hore ku joogtey, ayaa sheegay in aysan jirin ilaa hadda wax ay ku heshiiyeen shirkaddan cusub ee BIAC ee la dul keenay.

Ugu danbeyn Heshiiska Golaha Wakiiladu raadinayaan waa shirkaddaas yar ee loo samaystey in lagu dhaxal-wareejiyo hantidii dadweynaha, magaceedu waa BIAC, waxaana ay hoostagtaa Madaxweyne Deni iyo Walaalihiis.

GAROONKA GAROWE

Garoonka Diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ayaa sidaas oo kale lagu wareejiyey shirkad loogu yeero HAMA, oo ay wada lee yihiin ganacsato Shiineys ah iyo Khadar Faroole, ma jiro wax badan oo laga og yahay heshiiskan.

Horseed Media waxay weli wadaa baaritaan ku aadan shirkadda lagu wareejiyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *