Fahad Yaasiin oo Maxkamadda Sare u gudbiyey dacwad ka dhan ah FEIT

Published: April 10, 2022
Fahad Yaasiin

Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Fahad Yaasiin Daahir ayaa gudbiyay dacwo ka dhan ah guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT, dacwadda ayaa la xiriirta in sifo aan sharci darro ah ay ugu dhegan yihiin kursigiisa HOP#086 oo dhawaan loogu soo doortay Baladweyne.

Dacwadda ayaa maxkamadda loo gudbiyey 07 Abril oo ku beegan saddex maalmood ka hor.

Maxkamadda sare aytaa fartey garyaqaanka guud in uu dacwadan uga soo jawaabo muddo laba maalmood ah oo ka bilaameysa maanta oo taariikhdu tahay 10 Abril 2022.

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa horey u sii daayey kursiga Fahad Daahir Axmed la-taliyaha Amniga qaranka horeyna u ahaa Agaasimihii hay’adda NISA. Maxkamadda sare ayaa ah halka ugu sareysa ee loo dacwoon karo, kiiska ay go’aan ka gaartona aan dib loo celin karin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *