Fahad Yaasiin oo sheegay in uu ixtiraamayo go’aanka Maxkamadda sare

Published: April 20, 2022

La Taliyaha Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay go’aankii maanta kasoo baxay maxkamada sare ee dalka, kaas oo lagu laalay dacwadii uu ka gudbiyey talaabadii guddiga Feit ku hakiyeen kursiga uu ku guuleystay ee #HOP086.

War qoraal oo uu soo saaray Fahad Yaasiin ayuu ku sheegay inuu ixtiraamayo go’aanka maxkamada sare, kaasoo ay ku sheegeen inaysan awood u lahayn go’aan ka gaarista gal-dacwadeedkaasi.

” Waxaan rabaa inaan bulshada la wadaago inaan ixtiraamayo qaraarka kasoo baxay Maxkamada Sare”.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *