Fahad Yaasiin oo xaalku ku xun yahay

Published: April 20, 2022

Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Fedeaalka aya sheegtey in aysan qaadi karin kiiska uu u gudbiyey Lataliyaha Amniga Qaranka Fahad Axmed Daahir oo horey ugu guuleystey kursiga Xildhibaan ee sumadiisu tahay HOP#086, kaas oo guddiga FEIT ay xanibeen.

Maalintii shalay ee Salaasada ayaa Maxkamaddu qaadey kiiska, waxaana garyaqaanka guud ee Dowladdu ku doodey in heshiiska doorashada lagu galay uu ahaa mid aan Maxkamadda door siineyn.

Go’aanka maanta kasoo baxay Maxkamadda, oo ay baahisay warbaahinta dowladda ayey ku tiri “Waxa ay aqbashay hor-is-taagga Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda oo metalaya Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ee ah in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka-garnaqidda cabashooyinka la xidhiidha doorashada dadban ee Baarlamaanka 11 aad. “

“Waxa ay go’aamisay in aanay Maxkamadda Sare ee Dalku awood u lahayn ka garnaqidda cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee Baarlamaanka 11 aad.”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *