Faransiiska Oo Deeq Talaal Gaarsiiyey Muqdisho

Published: August 8, 2021

Dawladda Faransiiska ayaa ugu deeqday dowladda Federaalka Soomaaliya 108,000 oo darsin oo tallaalka Cudurka halista ah ee COVID-19 ee AstraZeneca, si loo xoojiyo barnaamijka tallaal ee dalka.

Diyaarad siday tallaalka AstraZeneca ayaa duhurnimadii maanta kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana talaalkaasi la wareegay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Tallaalkan ay Dowladda Faransiiska ugu deeqday dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lasoo mariyey xarunta COVAX (CEPI, Gavi, UNICEF, WHO).

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka dowladda ee xilgaarsiinta ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka tallaalkan loo keenay dalka ay tahay in Soomaaliya laga saacido ka hortagga Caabuqa halista ah ee COVID-19.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *