Farmaajo iyo Rooble oo heshiis ka gaaray khilaafkii ka dhexeeyay

Published: October 21, 2021

Khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xal kama dambeys ah laga gaaray.

Shir ay Madaxdu yeesheen saacadihii lasso dhaafay ayay ku gaareen is afgarad looga gudbayo khilaafkii ka dhex aloosnaa bilihii lasoo dhaafay iyadoona laga soo saaray qodobo gundhig u ah heshiiska ay gaareen.

Qodobada heshiiska waxaa kamid ah in Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur uu sii haayo xilkiisa, in Yaasiin Farey uu hayo jagada Kusimaha Taliyaha NISA inta Taliye cusub laga soo magacaabayo iyo in Bashiir Goobe loo magacaabo xilka Wasiiru Dowle kamid neonatal Xukuumadda xilgaarsiinta.

Heshiiska ay gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa garwadeen ka ahaa madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen kaasoo la sheegay in uu dadaal ku bixiyay in ay madaxda xal khilaafka ka dhaxeeyay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *