Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

Published: November 30, 2019

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia ay uga qeyb galay Shir Madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaannada ka tirsan labada Gole ee dowladda, Wasiiro, cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-Madaxeedka joogtada ah ee 13-aad ee IGAD ayaa soo dhaweeyey qorshaha dib u habaynta Urur Goboleedka IGAD oo ay isku raaceen Madaxda ka soo qeyb gashay meertadan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *