Farmaajo oo ka hadley dilkii Abwaan Beddel

Published: April 19, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo dil xaqdarro ah loogu gaystay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Beddel Jaamac Xirsi uu ahaa abwaan iyo nabaddoon lagu yiqiin samadoonnimo, waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo door lama illaawaan ah ka qaadan jirey wacyigelinta bulshada, nabadaynta, dowlad-dhiska dalka. “Alle ha u naxariistee Marxuum Beddel Jaamac Xirsi waxaa uu ahaa haldoor, abwaan iyo nabaddoon bulshada ka wacyi gelin jirey aafada qabyaaladda, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha, waxaana uu mar walba ku baraarujin jirey taageerada dowladnimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan xanuunka tacsida la qaybsanayaa ehelka Marxuumka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee maanta ay kooxaha arxanlaaweyaasha ahi la beegsadeen Xarunta Villa Hargeysa, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto ficillada gurracan ee kooxaha argagixisada ah, si buuxdana loola shaqeeyo ciidammadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeen u taagan sugidda amniga dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuum Beddel Jaamac Xirsi Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, waxa uuna caafimaad degdeg u rajeeyey muwaadiniinta uu dhaawacu ka soo gaaray falkii argagixiso ee maanta lala beegsaday Xarunta Villa Hargeysa.

DHAMMAAD

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *