Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geerida Jen. Cali Ismaaciil

Published: May 18, 2021

Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed oo horey uga mid ahaa saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa Alle uga baryay in uu marxuumka Janadii geeyo Qoyska ehelka, qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed oo lagu aasay dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii uu Marxuumku ku lahaa tayeynta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada uu ku bixiyey dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed. Marxuumku waxa uu door muuqda ku lahaa dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo xilal kala duwan ugu soo adeegey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed.”

Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. ALLAH KARIMKA AYAAN U WAYDIIN NAXARIIS ILAY JANTUL FIRDOOSA HA KU GEEYO XOOTKA NEBI MOHAMMED KA CAB IN SHAAALLAH