Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Janaraal Cali-Bayr

Published: March 13, 2021

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileekiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay geerida Wasiirkii Hore ee  Gaashaandhigga Soomaaliya Janaraal Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr oo ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum C/raxmaan Maxamuud, isagoo ku tilmaamay inuu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, isagoo billad ku qaatay difaaca Qaranka sannadkii 1964-tii. Sidoo kale waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd.”

Farmaajo

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *