Farmaajo oo oggolaadey in Dowladda Federaalku shirka kawada qaybgasho

Published: September 17, 2020
Shirka Muqdisho Farmaajo

Habeenkii xalay waxaa dib u bilowdey shirkii Muqdisho ee looga hadlaayey doorashooyinka 2020/21, kaas oo hakad galay muddo 24 saacadood ah.

Shirkan oo bilowgiisi u dhexeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa habeenkii xalay lahaa weji ka duwan kii hore, kadib markii cadaadis badan la saarey Madaxweyne Farmaajo oo shirka ka dhigey mid aan u muuqan in uu yahay shir u dhexeeya Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada, afarta qaybood ee Dowladda federaalku ka kooban tahay ka soo reeebay keligiis oo keliya.

Shirka waxaa ku sii biirey habeenkii xalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo kusimaha Raysalwasaaraha Mahadi Guuleed. Waxaa weli shirka ka maqan Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xaq u leh in uu ka qaybgalo, waxaana jira dalab Dowlad goboleedyadu ay jeediyeen oo ah in Guddoomkiyaha Golaha Aqalka Sare shirka lagu casumo.

Wararka ku dhaw shirka ayaa sheegaya in qaar kamid ah Dowlad goboleedyadu ay isaga soo dhawaadeen sidii hore, gaar ahaan Dowlad goblleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo aragtiyo badan oo ay qabeen Dhuusamareeb3 wax ka bedalay, isla markaana ku aragti noqdey meelaha qaar Puntland iyo Jubaland oo ka maqnaa Dhuusamareeb 3, ma jirto heshiis laga gaarey qodobada ugu muhimsan shirka ee kala ah.

  1. Inta degmo ee doorashadu ka dhacayso
  2. Cidda soo xuleysa ergooyinka wax dooranaya
  3. Tirada Ergooyinka wax dooranaya
  4. Nidaamka metalaada, Xisbiyo miyaa lagu gelayaa mise….
  5. Cidda maamuleysa Doorashada
  6. Metelaada gobolka Banaadir

Qodobadan ayaa si weyn weli loogu kala qaybsan yahay, waxaana la og yahay in shirku aanu ahayn mid aqlabiyad la tixgeliyo ee uu yahay is qancin iyo tanaasul, waxaana la sugayaa tanaasulaadka la isu sameeyo maalmaha soo socda, in cidkasta ay wax ka tagto waxna loo oggolaado.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Farmaajo waxaa waajib ku ah in uu tanasulaad sameeyo ama is casilo maamul goboleedyada iyana waxaa laga rabaa in eey ku dhiiradaan in eey samata bixiyaan dalka yiraahdaana Madaxweyne is enough ee please is casil ugu danbeeyn 48hrs soo socda