Farmaajo oo u amba baxay Uganda

Published: May 11, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u ambabaxay Magaalada Kambaala ee Caasimadda Dalka Uganda.

Ujeedka socdaalka Farmaajo ee Uganda ayaa lagu sheegay ka qaybgalka xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo dhawaan markale ku guuleystay doorashada Uganda.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhamaaday ee Farmaaho ayaa la filayaa jn inta uu ku sugan yahay Uganda uu kulan doceedyo la qaato hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *