Farmaajo Oo Waraaqaha Aqooniga Ka Gudoomay Safiirka Cusub Ee UK

Published: March 10, 2021

Madaxweynaha xilku ka dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Kate Foster.

Danjire Kate oo madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa, wuxuuna tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *