
Guddoomiyha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay doorashadii ka dhacday Muqdisho.
Feysal Cali Waraabe oo boggaadiyey qaabka ay u dhacday doorashada ayaa u hambalyeeyey Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad doortay Madaxweyne.
“Aniga oo waligey ma daawan doorashada Muqdisho, xaley baan soo jeeday ilaa inta u dambeysay” ayuu yiri Feysal CalI Waraabe.
Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in xalay uu soo jeeday, si uu ula socdo ku dhowaaqista natiijada doorashada.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha wuxuu farriin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh, isaga oo ka dalbaday inuu fuliyo heshiisyadii ay hore u galeen labada dhiinac.