FBI-da Mareykanka oo guriga madaxweyne Trump ka heshay dokumentiyo sir Qaran ah

Published: August 13, 2022

FBI-da Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay dokumentiyo sir ah kadib markii ay baaritaan ku sameeyeen guri uu lahaa madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo ku yaalla gobolka Florida todobaadkan, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday waaxda dambi baarista Mareykanka.

Ciidamo ka tirsan waaxda dambi baarista ayaa guriga Trump kasoo saaray 11 dokumenti oo ku calamadeysnaa “TS/SCI”, waxay ku tilmaameen in dokumentiyadan ay horseedi karaan dhaawac soo gaara amniga qaranka Mareykanka.

Madaxweyne Trump oo bayaan soo saaray Jimcihii maanta ayaa sheegay in dhammaan macluumaadka laga qaatay gurigiisa inay ahaayeen kuwo laga saaray sir ahaanshaha “Declasiffied” oo la shaacin karo, wuxuuna sheegay inuu dukumentiyada u wareejin lahaa Waaxda Caddaaladda haddii la weydiiyo.

Mr Trump ayaa beeniyay inuu wax khalad ah uu sameeyay, wuxuu sheegay in dhammaan dukumeentiyada la caddeeyay isla markaana la geliyay kayd ammaan ah.

Waa markii horreysay oo dambi baaris lagu saameeyo guriga Madaxweyne hore oo Amerikaan ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *