FBI-da oo baaritaan xoogleh ku sameeyey aqalka Donald Trump

Published: August 9, 2022

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in FBI-da ay baaritaan ku sameeyeen hoygiisa loo yaqaan Mar-a-Lago ee ku yaala Palm Beach gobolka Florida. Trump waxa uu baaritaanka ku sheegay in uu yahay duullaan “aan loo baahnayn mana ahayn mid habboon.”

Ma cadda sababta FBI-da ay u baareen gurigiisa, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay FBI-da iyo waaxda cadaaladda oo ku saabsan dhacdadan.

Sida laga soo xigtay jariirada The New York Times, baaritaanka waxa uu la xiriiraa dukumiintiyo sir ah oo laga soo qaaday Aqalka Cad oo la geeyey Mar-a-Lago halkii ay ahayd in la geeyo Kaydka Qaranka.

Trump
FBI oo taagan albaabka guriga Trump

Saraakiisha FBI-da ayaa la sheegay inay jabsadeen meel uu Trump u isticmaali jirey in uu wax ku xifdisto oo ku taala isla guriga.

Sida laga soo xigtay Trump, baaritaanka ayaa ahaa mid aan la shaacin, wuxuuna sheegay inuu la shaqeeyay mas’uuliyiinta, markii hore.

Trump ayaa dhacdadan ku tilmaamay “weerar ay ku soo qaadeen xisbiga Dimuqraadiga garabka bidix ee xagjirka ah oo aan doonayn in uu u tartamo madaxtinimada 2024.”

Kaydka Qaranka, oo loo xilsaaray ururinta iyo kala soocidda agabka madaxtooyada, ayaa hore u sheegay in ugu yaraan 15 sanduuq oo diiwaannada Aqalka Cad laga soo helay goobta loo dalxiis tago ee Mar-a-Lago ee Trump oo ay ku jiraan qaar la kala saaray oo wax laga bixiyey

Trump waxaa ku socda laba baaritaan mid la xiriira 6 janaayo ee uu isku dayey in natiijada doorashada beddelo iyo midkan la xiriira in uu horey u qaatey xogta sirta ahayd.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *